
Xeer-Nidaamiyaha Balaarinta Nidamka Canshuurta
Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Markuu arkay:
Qodobka 23-aad ee Xeer Sharci Lr. 2 ee 1984 kaas oo sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda awood loo siiyay inuu soo saaro Xeer-nidaamiye lagu fulinayo Sharciga Canshuurta Gadidda;
Markuu garwaaqsaday:
Baahida loo qabo in la balaariyo baaxadda Qodobka 1-aad ee Xeer Sharci Lr. 2 ee 1984 si loogu dabaqo Sharciga ganacsiyo iyo shirkado dheeraad ah kuwaa oo Canshuurta Gadidda lagu soo rogi karo;
Markuu arkay:
Xeer-maaliyadeedka Balaarinta Baaxadda Sharciga Canshuurta Gadidda ee 1984 ee Sharciga Qoonadda Miisaaniyadda ee 2024;
Isagoo maanka ku haya:
Ujeedooyinkii asalka ahaa ee Xeer Sharci Lr. 2 loo dejiyay, kuwaa oo weli jira, oo ahaa in la helo ilo lagu kobiciyo dakhliga Miisaaniyadda Qaranka si ay Dawladdu ugu hesho awood ay ku taabbo-geliso maas’uuliyadeheeda ballaaran ee dhaqaale, nabadgelyo, difaac, bulsho iyo siyaasadeed;
Markuu arkay:
Ujeedooyinka Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee lagu sheegay Qodobka 1 (2) ee ah maamulida arrimaha la xiriira maareynta Maaliyadda Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo Awoodaha Wasiirka Maaliyadda ee ku cad Qodobka 6-aad ee Sharciga Maamulka Dakhliga oo awood u siinaya Wasiirka Maaliyadda inuu soo saaro xeer-nidaamiyeeyaal lagu dhaqan-gelinayo sharciyadda dakhliga ee Dalka;
Markuu tixgeliyay:
Tala-soojeedinta Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga;
wuxuu soo saaray Xeer-nidaamiyahaan soo socda:
Qodobka 1-aad
Ujeedada Xeer-nidaamiyaha
- Ujeedada Xeer-nidaamiyahaan ayaa ah in la balaariyo ganacsiyadda iyo shirkadaha laga qaado Canshuurta Gadidda (Sales Tax), sidaa darteedna la balaariyo baaxadda Xeer Sharci Lr. 2 ee 1984.
- Wax kasta oo muhiim ah oo aan lagu xusin Xeer-nidaamiyahan, balse lagu sheegay Xeer Sharci Lr. 2, waxaa lagu maamulaya Qodobada Sharcigaas.
- Wax kasta oo muhiim ah oo lagu xusay Xeer Sharci Lr. 2, balse Xeer-nidaamiyahan uu toosin ku sameeyay waxaa lagu maamulaya Qodobada Xeer-nidaamiyahan.
- Xeer-nidaamiyahaan ma saamaynayo canshuurta ku waajibtay mushaarka, faa’iidada, iyo canshuuraha kale ee laga rabo ganacsiyada iyo shirkadaha, marka laga reebo Canshuurta Gadidda (sales tax) ee laga rabo ganacsiyada iyo shirkadaha lagu xusay Qodobka 2-aad ee Xeer-nidaamiyahan.
Qodobka 2-aad
Ganacsiyada dheeraadka ah ee lagu soo rogay Canshuurta Gadidda
- Canshuurta Gadidda ayaa lagu soo rogay ganacsiyada soo socda
- :(b) Korontada.
- (t) Telefishinnada.
- (j) Biyaha.
- (x) Adeegyada xirfadeed sida kuwa ay bixiyeen qareennada, nootaayooyinka, xisaabiyeyaasha, wakiilada shirkadaha maraakiibta, shirkadaha qaarka loo leeyahay ee bixinaya adeegyada amniga, iyo adeeg bixiyayaasha kale ee la midka ah
- .(kh) Isgaarsiinta.
- (d) Daabacadaha.
- (r) Tafaariiqda.
- (s) Makhayaadaha.
- (sh) Caymiska.
- (dh) Adeegyada caafimaadka.
- (c) Adeegyada safarinta (Transportation services).
- (g) Bankiyada iyo Xawaaladaha
- .(j) Canshuur kasta oo kale, oo aan kujirin liiska sare balse iibiya adeega ama badeeco.
Qodobka 3-aad
Tacriifada Canshuurta Gadidda iyo Qaansheegta Gadidda
- Tacriifada Canshuurta Gadidda waa 5% qiimaha badeecada ama adeegyada lagu kala gatay, waxayna ku waajibaysaa ganacsiga ama shirkada iibka samaysay mar allaale markii is dhaafsiga badeecada ama bixinta adeega la dhammeeyo.
- Ganacsiyada iyo shirkadaha waa in ay sameeyaan qaansheegto markasta oo ay cid badeeco ama adeeg ka iibiyaan, hubiyaana in qaansheegtadaas ay muujinayso qiimaha badeecada ama adeega iyo tacriifada Canshuurta Gadidda oo u dhiganta 5%.
- Qaansheegtooyinka waa inay u lambaareeysan yihiin si daba taxan, iyagoo ka bilaabanayo kow (1) sanad walba, kadibna muujinaya taariikhda iibku dhacay.
Qodobka 4-aad
Soo bandhigida qaansheegta Canshuurta Gadidda
Shirkad ama ganacsi kasta oo Xeer-nidaamiyahan ku waajibiyay inuu sameeyo qaansheegto waxaa khasab ku ah inuu u soo bandhigo mar kasta oo ay waydiistaan Saraakiisha Dakhliga ee ku shaqada leh uruurinta Canshuurta Gadidda iyo Booliiska Ilaalinta Canshuuraha.
Qodobka 5-aad
Ciqaabaha ku xad-gudbida Xeer-nidaamiyaha
- Shirkad ama ganacsi kasta ee gudan waaya waajibaadyada ku saabsan samaynta qaansheegta ku xusan Qodobka 3-aad, wuxuu galaya gef ciqaabtiisu tahay ganaax caddadkiisu tahay boqolkiiba toban (10%) canshuurtii baaqatay.
- Bixin la’aanta canshuurta ama bixinta tiro ka yar intii waajibaty wax la saaraya ganaax u dhigama kan ku qeexan faqrada koowaad ee Qodobkan.
- Shirkad ama ganacsi kasta ee fulin waaya waajibka ku xusan Qodobka 4-aad ee Xeer-nidaamiyaha, wuxuu mutaysanyaa ganaax u dhexeeya $200 ilaa $600 oo Doolarka Maraykanka ama lacag Shilin Soomaali ah oo u dhiganta.
- Shirkad ama ganacsi kasta ee lagu helo in uu ku qoray qaansheegta qiima ka hooseeya kan dhabta ah asaga oo ula jeedadiisu tahay inuu la baxsado Canshuurta Gadidda, wuxuu mutaysanyaa, halkii qaansheeg hore, ganaax u dhexeeya $500 ilaa $2,000 oo Doolarka Maraykanka ama lacag Shilin Soomaali ah oo u dhiganta.
- Inkastoo fulin la’aanta Qodobada Xeer-nidaamiyahan ay keenayso ganaax, waxaa dheer in Shirkadda ama ganacsiga ay markasta waajib ku tahay bixinta canshuurtii ku baaqatay.
- Saraakiisha Xafiiska Canshuur-bixiyayaasha Dhexe iyo Kuwa Waaweyn ee Agaasinka Guud ee Dakhliga, kadibna waxay ka anshirikada ama ganacsiga canshuurtii iyo ganaaxii waajibay, waa inay ku dhuftaan qaansheegta shadaqadda muujinaysa in qaannunka la waafajiyay qaansheegtada.
Qodobka 6-aad
Uruurinta iyo Ilaalinta Canshuurta Gadidda
- Uruurinta Canshuurta Gadidda ee lagu soo rogay shirkadaha iyo ganacsiyada ku taxan Qodobka 2-aad si waafaqsan Xeer-nidaamiyahan waxaa u xil saaran Xafiiska Canshuur-bixiyayaasha Dhexe iyo Kuwa Waaweyn ee Agaasinka Guud ee Dakhliga.
- Ilaalinta iyo hubinta ku xad-gudubyada canshuurtaan waxaa u xil saaran Xafiisyada ku xusan faqradda sare, Booliiska Ilaalinta Canshuuraha iyo guud ahaan Ciidamada Nabadgelyada iyo hay’addaha Dawladda.
Qodobka 7-aad
Xallinta Cabashooyinka
- Ganacsi ama Shirkad kasta oo hoos yimaada Xeer-nidaamiyahan oo ka cabanaya go’aan kasta oo lagu soo rogay oo khuseeya arrimaha Xeer-nidaamiyaha lagu maareynayo, waxay cabasho usoo diri karaan Guddiga Xallinta Cabashooyinka oo ka kooban xubnaha soo socda:i. Agaasimaha Guud ee Dakhliga. (Gudoomiye)ii. Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ku takhasusay sharciga. (Xubin)iii. Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ku takhasusay xisaabaadka. (Xubin)
- Guddigu waxay go’aankooda ku gaarayaan 15 maalmood gudahooda laga bilaabo maalinta la soo gudbiyay cabashada.
- Haddii cabtuhu ku qanci waydo go’aanka Guddiga, wuxuu rafcaan u qaadan karaa maxkamadda awoodda u leh.
Qodobka 8-aad
Dhaqan-galinta Xeer-nidaamiyaha
- Xeer-nidaamiyahaan waxaa uu dhaqan galayaa maalinta uu saxiixo Wasiirka Maaliyadda.
- Canshuurta lagu soo rogay Xeer-nidaamiyahaan waxaa lagu dabaqaya dhammmaan ganacsiyada iyo shirkadaha ay ku waajibtay laga bilaabo marka uu dhaqan-galo.
- Marka la saxiixo Xeer-nidaamiyahaan waxaa lagu daabacayaa bogga internetka ee Wasaaradda Maaliyadda.
- La-taliyaha Sharciga ee Wasaaradda waa inuu ku kaydiyaa Xafiiskiisa nuqullo daabacan ee Xeer-nidaamiyahan.