Nagu Saabsan
Dowladda Somalia waxa ay sanadkii 1982 Xeer Lambar 2 kusoo saartay xeer waajibibaya Canshuuraha Afar Ganacsi: Alaabta lasoo dhoofiyo, Alaabooyinka Warshaduhu soo saaraan, Ganacsiga Jumlada iyo Ganacsiga Hotelada, Sanadkaan 2024 ayaa Baarlamaanka Soomaaliya Meel mariyay in Xeerkaas la ballaariyo, Canshuurtuna waxa ay ku waajibeysaa Ganacsiyada Dalka oo dhan

Aragtida
Aragtideennu waa inaan dhisno nidaam Canshuurta Iibka ah kasoo Nadiif a, Korna u qaadi kara Kororka dhaqaalaha iyo wax qabsiga bulshadeenna, waxaan ku rajo weynahay in Casnhuurka Iibku ay soo kordhin doonto horumaro muuqda oo xasilloon, lagana heli doono dhaqaale lagu socodsiiyo howlaha aasaasiga ah ee dowladda.
Howl Fulinta
Hadafkeenu waa inaan Barno Bulshada Canshuurta Iibta, Faaâiidadaeeda iyo Saameynta ay ku leedahay waddankeena. Anagoo dhex jibaaxeyna xogaha la hali karo, Hagaalka iyo taageerada guud, waxaan rabnaa:
Sare u qaadidda Ogaanshaha
In sare loo qaado ogaanshaha bulshada ee Canshuurta Iibka iyo doorka ay ku leedahay dhaqaalaha.
Hubinta u hoggaansamiadda
waxaan dhiiri galineynaa u hoggaansamidda Shuruucda Canshuurta Iibka si loo gaaro hufnaan cansshuureed
Taageeridda Korriimada Dhaqaalaha
waxaan fududeyneynaa Abuuridda Nidaamka Canshuurta Iibka kaasoo xoojinaya korriimada dhaqaalaha asagoo sare u qaadaya Ka dhabeynta aragtiyaha iyo Maalgashiga
Sare u qaadida Daahfurnaanta
waxaan dhiibeynaa xog daahfuran la iskuna halleyn karo kuna saabsan Canshuuraha Iibka, Siyaasadaha, Lacagaha la qaadayo iyo qaababka lamarayo.
Sidee loo Hirgalaniyaa Canshuurta Iibka
Canshuurta Iibka waxaa loo saari doonaa qaab Boqolleey ah qiimaha Alaabta ama Adeegga a iibinaayo. Taasoo Macneheedu yahay in Qiimaha Alaabta la qaday boqolleey ka mid ah oo uu bixiyay Macaamiilku ay tahay Canshuurta Iibka