WAYDIIMAHA U BADAN (WUB)
Waa Maxay Canshuurta Iibka
Canshuurta Iibku waa canshuur lagu soo rogo Badeecada iyo Adeegyada Dadka/Ganacsiyadu gadanayaan waxaana uga wakiil ah Dowladda Ganacsiga wax iibinaya
Waa Maxay Heerka (Dhufsanaha) Canshuurta Iibka ee Somalia?
Laga Billaabo Kowda bisha Afraad ee Sanadka 2024, Dhufsanaha Canshuurta Iibka ee Somalia waa 5%, kaasoo ku waajibaya Badeeco ama adeeg walba oo la iibiyo
Is Diiwaangalinta Canshuurata Iibka ee Ganacsiyadu ma waajibbaa?
Dhamaan Ganacsiyada Bixiya ama Iibiya Alaabooyinka ee ka howl gala Somalia waa ku waajib iney iska diiwaan galiyaan una hoggaansamaan shuurcda Canshuurta Iibka
Yey ku waajib tahay inuu Bixiyo Canshuurta Iibka?
Ganacsi walba oo iska diiwaangaliyay Nimdaamka Canshuurta Iibka waa ku waajib inuu Bixiyo Canshuurta, kana qaado Macaamiisha asagoo Heyâdaha Dowladda uga wakiil ah.
Ma Jiraan Badeeco ama Adeeg aan La Canshuureyn?
Dhammaan Alaaboyinka iyo Adeegtada waxaa waajib ku ah Canshuurta Iibka, mana jiro Ganacsi Adeeg ama Badeeco Bixiya oo si gaar ah looga reebay Canshuurta
Lacagta Canshuur Iibka sideey uga qaadataa Ganacsiyada?
Marka aad u dirto Ganacsadaha Lacagta aad wax ku gadatay oo isugu jirta Qiimihii badeecada iyo Canshuurta Iibka, waxaa si Awtumatik ah ugu kala dhacaya qaanado loo asteeyay lacagta Ganacsadaha iyo tan dowladda
Maxaa Ciqaab ah oo la dhalan kara u hoggaansamin laâaanta Canshuurta Iibka?
Haddii aad u hogaansami weyso Sharciyada Canshuuraha Iibta, Tusaale inaad is diiwaan galin wayso, ama aad telefoon kale lacagha ku tuuratid waxaa ka dhalan doonta ciqaabo u qalma kuwaas oo ka imaanaya heyâadaha Canshuurta Iibka ee Dowladda
Is diiwaangalinta Dahsoon ee Ganacsiga iyo Adeecidda Canshuuraha
Marka aad diiwaan galineyso Ganacsi cusub ama aad cusbooneysiineyso Shatiga Ganacsi hore u jiray waxaa lagu soo dary oo qasab ah inaad iska Diiwaangaliso Canshuurta Iibka. Shati ma heleysid adiga oo aan Canshuurta Iibka iska diiwaangalin
Si fudud isugu Xir Merchantigaaga iyo Shatiga Ganacnsiga
Ula Tag Shirkadda Bixisa merchant-ka aad isticmaaleyso Shatigaaga aad Soo cusbooneysiisay si aad u hubiso in Habkaaga Isdiiwaangalintu dhameystiranyahay. Habkaan isku xirku waa mid fududeynaya in howluhu u dhacaan qaab isku mar ah fududna oo aan macaamiilku dareemin wax culeys ah
Canshuurtu waa mid u goâeysa qaab Casriyeysan (Automatic ah)
Maadaama Number Canshuureedkaagu kuu diiwaangashanyahay, Dowlada waxa ay si toos ah u jarayaan canshuurta Iibka, ayaga oo sahlaya howsha shaqada iyo hablka canshuur qaadka intaba.
                            hadii aad rabtid xog intaan kabadan nala soo xariir